Bulxan Fadlan Follow_page Like_Page Share_page

18/12/2023

Waxay keneen codadka qaariyada ugu codka Qurxan masha allah.

Wadanka Switzerland ayaa la ansixiyay Qaanuun dhigaya in qofkii raba inuu is dilo uu isticmaali karo aalladaan, oo si fu...
13/12/2023

Wadanka Switzerland ayaa la ansixiyay Qaanuun dhigaya in qofkii raba inuu is dilo uu isticmaali karo aalladaan, oo si fudud nafta uga qaadaysa.

Aaladdaan oo lagu magacaabo 'Sarco' ayaa loogu talo galay in qofkii raba inuu is dilo uu dhex galo, deedna Batoon yar taabanayo naftana ay hal mar ka jarayso,

Sida ay qortay DW News aaladdaan ayaa qofku markuu galo naqaska ku dhajinaysa, daqiiqad wax ka yarna nafta ka jaraysa "Qofku wuxuu u
dhimanayaa si fudud isagoona sakaraad badan
marin."

Waddanka Switzerland, qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu isdilo isagoo kaashanaya cid kale.

Sannadkii h**e 1300 oo qof ayaa is dilay, iyagoo kaashanaya shirkadaha Dignitas iyo Exit, oo ah Shirkado dadka u fududeeya inay isdilaan. Kiniino ayay siinayaan qofka si uu islamarkiiba nafta uga baxdo. Kaniisadaha ayaa aad uga horyimid
qaanuunkaan iyo aalladdaanba.

Adigu ma dhexgali lahayd..???

  ninka been sheego ama uu ben badnyhy waxySamynysa/ fasahadinysa nafsadisa o kaliy   naagtu been sheegto ama ay beenbdn...
18/11/2023

ninka been sheego ama uu ben badnyhy waxy
Samynysa/ fasahadinysa nafsadisa o kaliy

naagtu been sheegto ama ay beenbdnthy waxay samayn kuyelanysa/fasahdinysa bulshda oo dhan

Mesha micna aya ku jira haa heey.

Sawirkani wuxu muujinaya halganka hooyonimo.Waxay lamiga bartankiisa ku iibinaysa khudrad kala duwan, waxayna dhabta ku ...
06/11/2023

Sawirkani wuxu muujinaya halganka hooyonimo.

Waxay lamiga bartankiisa ku iibinaysa khudrad kala duwan, waxayna dhabta ku haysaa gabdhaydi yared.

Sida sawirka ka muuqdo Waa habeen waxa dhabtaydii ku huraday gabadhi yareed, hoyadi ayada oo is leh gabadhada si raaxa leh ha hurda bogato aye iyadanu madaxa saaraty darbi yar weliba ayado ku fadhida taayar ayadina halakas ayey ku huruday cajiib!!.

Ogow hooyadani ma weyn guri ama joodari, wayna kari kartay inay istareex u huruda oo ay gurigeeda iska joogto.

Hooyo alle ajar iyo xasnaad haka siiyo sida wacan aad inoo soo barbarisay.

Haday hooyo ku nooshay dheh alxmd, haday dhimatayna dheh allah ku naxriisto Hooyo mcn.

Cumar mise C/samad ?Wiilka laysku haysto.Adiga yaa kula saxan.
06/11/2023

Cumar mise C/samad ?

Wiilka laysku haysto.

Adiga yaa kula saxan.

Tijaabada "The Elephant Rope" ee Cilmu Nafsiga🐘🦣Ma jiro xarig joojin kara Maroodiga, misana xaywaanka quwaddaas ilaahay ...
05/11/2023

Tijaabada "The Elephant Rope" ee Cilmu Nafsiga🐘🦣

Ma jiro xarig joojin kara Maroodiga, misana xaywaanka quwaddaas ilaahay siiyey waxa lagu dabraa oo lagu xiraa xarig uu xataa dameerku kala goyn karayo. Ma garanaysaa sababta?

Xarigaas yar waxa lagu xiraa isla marka uu dhasho tan iyo intuu soo barbaarayana waa lagu qabatimaa, ilaa maantana wuxuu aaminsan yahay in uusan goyn karin xarigaas yar.

Middaas ayaa Cilmu nafsi ahaan ibnu aadamka loogus oo hal qabsadaa tijaabada Xarigii Maroodiga amase afka qalaad "The Elephant Rope".

Sida Maroodigaas oo kale imisaa xarko inagu xiran? imisaan ka baqaynaa is bedelka? imisa isku day ayaan iska joojinnay innaga oo ka baqayna in aynu guuldarraysanno?.

Guuldarradu waa qayb muhiim ah oo kamid guusha laftarkeeda, mana aha in aynu ka baqno culayska nolosha.

LEO MESSI  THE GOAT OF FOOTBALL .8 BALLON D’OR 💯Waxaan filaya Dood danbo inaysan jiri donin warku isku dhamaaday.Reer CR...
31/10/2023

LEO MESSI THE GOAT OF FOOTBALL .

8 BALLON D’OR 💯
Waxaan filaya Dood danbo inaysan jiri donin warku isku dhamaaday.

Reer CR7 Camaamada Ku tuura odayga.

🇦🇷🐐Goat!!

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka Afrikaanka a...
30/10/2023

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa sheegay in Kenya ay joojinayso shuruudaha dal ku galka dhammaan dadka Afrikaanka ah ee booqanaya laga billaabo dhammaadka sanadkan. Tani ayaa ka dhigan in visaha Kenya laga qaadan doono gudaha garoonka (on arrival).

Midowga Afrika ayaa ku taamayay tallaabadan socdaal la’aanta visaha tobankii sano ee la soo dhaafay.

Wadamada Seychelles, Gambia iyo Benin oo kaliya ayaa hadda ah dalalka visa la’aan ay ku gali karaan dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah.

Adiga haddii dhammaan wadamada Afrika laga dhigo visa la’aan, dalkee u tagi lahayd dalxiis?

Inta udhaxeysa gaariga cunuga iyo kursiga gabowga ...Nolosha si dhakhso leh ayey u socotaa, ...Isku day inaad kula noola...
29/10/2023

Inta udhaxeysa gaariga cunuga iyo kursiga gabowga ...

Nolosha si dhakhso leh ayey u socotaa, ...
Isku day inaad kula noolaato wanaag, dadnimo iyo cibaado suuban iyo sadaqo.

Sheeko dhex martay Gabar/inan iyo Hooyadeed...Bidhiidho 》Hooyo maxaan kuula joogi karayn? 11 bilood ayuu aabahay i leeya...
28/10/2023

Sheeko dhex martay Gabar/inan iyo Hooyadeed...

Bidhiidho 》Hooyo maxaan kuula joogi karayn? 11 bilood ayuu aabahay i leeyahay hooyadaa dhoof bay ku maqan tahay ee...maxaad ku maqan tahay ? Gurigeenii mee?

Hooyo 》Aniga Hooyo dhoof kuma aan maqnayn. Jabuuti baan intaaba kula joogay meel aan gurigiina ka fogayn. Gurigeenii sidii uun buu u madhan yahay...innaguu inna sugayaa

Bidhiidho 》Haddaa maxaad noogu iman wayday ? Maad na nacday ?

Hooyo 》Aniga Hooyo waan idin jecelahay intiinaba .

Bidhiidho 》Maalinkii aan badda Heron an joognay, maxaan dib kuugu arki waynay ?

Hooyo 》Aniga Xabsiga Gaboode baa la ii taxaabay !

Bidhiidho 》 Waayo ?

Hooyo 》Aniga Sababta oo ah in aan idin siiyay noloshii wanaagsanayd uu aabihiin idiin diiday iyo in aan Itoobiyada jaarka ah idin geeyey.

Bidhiidho 》 Hooyo waa maxay xabsigu ?

Hooyo 》Aniga Waa goob ay hooyadu ilmeheeda aanay ku arki karayn.

Bidhiidho 》Muxuu aabahay noo yidhaahdaa “Hooyadiin idinma jecla, ubad kale ayay leedahay aragiinana ma rabto?

Hooyo 》Aniga Wuxuu qaadan kari laayahay kala-tagayaga iyo in aan leeyahay nolol. Hooyo waan ogahay in aad walaalo kaa yar aad rabto, anigaa ayaa kuu dhali ee haka warwarin.

Bidhiidho 》 Ayeeyday iyo eedooyinkayna sida aabahay oo kale ayay yidhaahdaan....

Hooyo 》Aniga Waan ogahay hooyo ee dheg ha u dhigin warkooda.

Bidhiidho 》Hooyo indhihii baa sidii waagii ii xanuunaya, Aabahayna wuxuu leeyahay waa caadi.

Hooyo 》Aniga Anaa ku dawayn ee ha warwarin hooyo.

Bidhiidho 》Hooyo maxaad sidan ugu ooyaysaa ?

Hooyo 》Aniga Waxaan u ooyayaa waa farxad iyo cabsi... Aragaagaan ku faraxsanahay waxaanan ka cabsi qabaa garawsho la'aanta aan ka qabo dib-u-kulankeenna.

Bidhiidho 》Hooyo indhaha isku xidh ilmada an kaa masaxee.

Hooyo 》Aniga: 😭😭😭

Qore Bullo Qareen
Turjumid. Hawd

Dowlad Goboledke ayaa u sadaalinesaa Sanadkan in koobkan ay qaadi donaan ?
26/10/2023

Dowlad Goboledke ayaa u sadaalinesaa Sanadkan in koobkan ay qaadi donaan ?

FADHI IYO FUUD YICIBEED LA ISKU WAA!!!!------==-------==-------SAWIRRADA hoos ka muuqdaa waa feedhyahanno xilliyo kala d...
22/10/2023

FADHI IYO FUUD YICIBEED LA ISKU WAA!!!!
------==-------==-------

SAWIRRADA hoos ka muuqdaa waa feedhyahanno xilliyo kala duwan ciyaaray, badankoodu waa ay guulaysteen, kuwo ka mid ahina in kasta oo ay dadaaleen, uma ay suurtagelin markan in ay guushu raacdo.

Sawir kastaa waxa uu muujinayaa muuqaalka uu lahaa ka hor halganka guul raadinta, iyo kaddib.

Waa tusaalaha ugu fudud ee aynnu ka baran karno in guul aan lagu helin xanuun iyo rafaad la’aan.

Mararka qaarkoodna ay dhacdaba adiga oo halgan dheer oo xanuun badan u maray, in haddana aad weydo.

Weligaa ha filan, in fadhi aad ku hesho fuud yicibeed.

Everyone

🖋Kamaal marjaan

Arsenal wali waa Unbeatin👏👏👏
21/10/2023

Arsenal wali waa Unbeatin👏👏👏

Maanta Magaalada Muqdisho, waxaa saakay ka dhacay kulan loogu duceynayo, Qur’aana loogu akhrinayo walaalaha Falastiin ee...
20/10/2023

Maanta Magaalada Muqdisho, waxaa saakay ka dhacay kulan loogu duceynayo, Qur’aana loogu akhrinayo walaalaha Falastiin ee maalintii 14-aad weerarro xasuuq ah kala kulmaya yahuuda Israa’iil.

Waa isku imaatinkii ugu horreeyay ee lagu taageerrayo walaalaha Falastiin oo dalka lagu qabto, Muddada uu socdo dagaalkan lagu tilmaamay nus qarni midkii ugu darnaa.

Reer liverpool masha allh
19/10/2023

Reer liverpool masha allh

Sucaad oo laga wareystay Tv-ga Universal ayaa waxay tiri."Dumarka 45 jir marka ay garaan waa xiliga ay ugu baahi badan y...
18/10/2023

Sucaad oo laga wareystay Tv-ga Universal ayaa waxay tiri.

"Dumarka 45 jir marka ay garaan waa xiliga ay ugu baahi badan yihiiin uguna wanagsan in lagu guursado".

Waxay hadal keeda raacisay in ay taasi daraasad ku sameeysay.

Dumarow arinkasi ma dhabbaa ?

Madaxweynaha Iiran Ibrahim Raisi, ayaa  ku goodiyay "aargudasho daran oo ay dunida Islaamka ka aargudan doonto dambiyada...
18/10/2023

Madaxweynaha Iiran Ibrahim Raisi, ayaa ku goodiyay "aargudasho daran oo ay dunida Islaamka ka aargudan doonto dambiyada lagu la kacay Falastiin iyo Qaza" ka dib duqeyntii ay xalay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli, taas oo ay ku dileen boqolaal Falastiiniyiin ah.

Wuxuu sheegay in tani ay bilow u noqon doonto dhammaadka Sahyuuniyadda, wuxuu hadalkan ka sheegay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Tehran, kaas oo lagu garab istaagayay Falastiin.

Xigasho Cali Aadan Muumin

Islaan baa habeen barkii inta ay toostay, ka war heshay in ninkeedu aanu sariirta jiifin.Baatigeedii inta ay gashatay, b...
16/10/2023

Islaan baa habeen barkii inta ay toostay, ka war heshay in ninkeedu aanu sariirta jiifin.

Baatigeedii inta ay gashatay, bay hoos u degtay si ay isaga u raadiso.

Waxa ay aragtay isaga oo kursi yaallay jikada ku fadhiya oo koob kafee ahoo kululi uu hor yaal.

Waxa uu u muuqday in uu ku jiro feker qoto dheer, waxana uu eegayay oo keliya
gidaarka.

Waxay aragtay isagoo inta uu ilmo isha ka tiray, kafeegii kabbanaya.

"Maxaa jira, gacaliye?", ayay hoos u tiri intay jikadii ugu soo gashay.

Koobkii kafeega isaga oo weli gacanta ku haysta, ayuu kor u eegay. “Waxa aan xasuustay markii ugu h**eysay ee aan is barannay 20 sano ka hor oo aan billownay shukaansi. Ma xasuusataa waagaas?", ayuu weydiiyay.

Xaaskii waxaa taabatay ilmada odaygeeda, iyadoo dareemaysay in uu iyada aad ula danqanayo oo uu aad ugu beer jilcayo.

“Haa, waan xasuustaa,” ayay ku jawaabtay.

Ninkii xoogaa inta uu aamusay, hadalka oo si dhib leh uga soo baxaya, waxa uu yiri: “Ma xasuusataa markii uu aabbahaa annaga oo gaarigayga iskula jirna nagu qabtay?"

"Haa, waan xasuustaa", ayay tiri, iyadoo ku sii fariisanaysa kursi agtiisa ah.

Hadalkiisii ayuu sii watay: “Ma xasuusataa markii inta uu bistooladda madaxa iga saaray, igu yiri: “Ama inantayda waad guursanaysaa, ama 20 sano ayaan ku xirayaa?”

"Taasna waan xusuustaa", ayay si tartiib ah ugu jawaabtay.

Ilmo kale ayuu dhabankiisa ka tiray isaga oo leh: “Maanta ayaa la’i sii dayn lahaa haddii aan go’aan sax ah maalintaas qaadan lahaa!”
🥲🤣😇😂😅😆😛🤪😀

Sabriye Musse

I've received 100 reactions to my posts in the past 30 days. Thanks for your support. 🙏🤗🎉
15/10/2023

I've received 100 reactions to my posts in the past 30 days. Thanks for your support. 🙏🤗🎉

labo sano kadib ayuu dib uwacay markaas buu ku yiri hambalyo jaceel cusub ayaan helay.iyadane waxeey tiri codkaaga hoos ...
15/10/2023

labo sano kadib ayuu dib uwacay markaas buu ku yiri hambalyo jaceel cusub ayaan helay.

iyadane waxeey tiri codkaaga hoos u dhig ilmo baa ii hurdee.

yaa dhib qabo ?

Dowlada Masar waxay ay shaaca ka qaaday in ay fureen xaduuda Rafah ee Gaza, waa go’aan in badan la sugayay si looga gara...
12/10/2023

Dowlada Masar waxay ay shaaca ka qaaday in ay fureen xaduuda Rafah ee Gaza, waa go’aan in badan la sugayay si looga garaabo xaaladda bani’aadanimo ka jirta Gaza.

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar oo warkan sheegay, ayaa ku wargaliyay dalalka iyo ururrada doonaya inay gargaar gaarsiiyaan Gaza, inay adeegsan karaan garoonka diyaaradaha Al-Arish, kaddibna laga gudbin doono xadka.

Isagoo uga digay Israa’iil inay duqeymo ka geysato xadka Gaza.

Markaad rabto inaad gaarto meel, waxa aad u bahantahay inaad yeelato hadaf.Sababtoo ah qof bilaa hadaf ah weligii guul m...
11/10/2023

Markaad rabto inaad gaarto meel, waxa aad u bahantahay inaad yeelato hadaf.

Sababtoo ah qof bilaa hadaf ah weligii guul ma gaaro.

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Nuur Maxamed Muumin, Hadiyo Maxamed, Saleban Cabdi Cilmi,...
11/10/2023

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Nuur Maxamed Muumin, Hadiyo Maxamed, Saleban Cabdi Cilmi, Abdi Sabaa, Siraaj Ibrahin, Nurhussen Ebrahim, Zamiira Apdiwali, Xasan Habane Yarka, Sacad Jama, Muawia Alsamani, Boqorada Ina Abdiaziz, Sharif Abdirahman

Ujeedka sawirkaan anigu ma fahminBal adigu macno guud u samay.
10/10/2023

Ujeedka sawirkaan anigu ma fahmin

Bal adigu macno guud u samay.

𝗙𝗔𝗥𝗤𝗜𝗚𝗔 𝗨 𝗗𝗛𝗘𝗫𝗘𝗘𝗬𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗕𝗔𝗔𝗥𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗔𝗥𝗬𝗘𝗘𝗟:➡️Ubadka in  muhiimad iyo mudnaan lasiyo nadaafada labiskooda iyo jirkooda, cun...
09/10/2023

𝗙𝗔𝗥𝗤𝗜𝗚𝗔 𝗨 𝗗𝗛𝗘𝗫𝗘𝗘𝗬𝗔 𝗕𝗔𝗥𝗕𝗔𝗔𝗥𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗔𝗥𝗬𝗘𝗘𝗟:

➡️Ubadka in muhiimad iyo mudnaan lasiyo nadaafada labiskooda iyo jirkooda, cunistooda cunno dheeli-tiran, caafimaad qabka jirkooda iyo gogosha iyo goobta ay hurdayaan waxaa loo yaqaanaa: 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥-𝐔𝐛𝐚𝐝

➡️Ubadka in muhiimad iyo mudnaan lasiyo barida diinta Islaamka; si ay amarada Rabbi u fuliyaan uguna fogaadaan wuxuu Rabbi reebay, ilaalinta caqligooda, hagaajinta hab-dhaqankooda iyo barida akhlaaq-wanaagsan waxaa loo yaqaanaa: 𝐁𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧-𝐔𝐛𝐚𝐝.

Inta badan waalidiintu waxey kala gara la' yihiin waajibaadka kaga aadan ubadkooda oo kala ah: barbaarintooda iyo daryeelkooda. Sidaa darteed waxey dayaceen barbaarinta ubadkooda halka ay waalidiintu mudnaan dheeri ah ay ku bixiyeen daryeelkooda kaliya..

𝐓𝐚𝐥𝐨: waalid walbo waxaa lagudboon in uu caruurtiisa siyo daryeel iyo barbaarin wanaagsan .

Guuleysta saaxibayaal...

✍️W/T: Ahmed Abdi Ali

Isra,iil ayaa maalintii labaad duqayn xoogan waxay ka wadaa marinka Gaza Ee dhulka falastiin.Aanu Ducayayno walaalahayna...
09/10/2023

Isra,iil ayaa maalintii labaad duqayn xoogan waxay ka wadaa marinka Gaza Ee dhulka falastiin.

Aanu Ducayayno walaalahayna muslimiinta.

Kelvin Kiptum oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta jabiyay rikoorka marathon-ka adduunka ee Eliud Kipchoge oo ka dhacay ...
09/10/2023

Kelvin Kiptum oo u dhashay dalka Kenya ayaa maanta jabiyay rikoorka marathon-ka adduunka ee Eliud Kipchoge oo ka dhacay magaalada Chicago, wuxuuna ku orday 2:00:35 😲👏🇰🇪

Kelvin Kiptum waxa uu ka qayb qaatay saddex marathon 🇰🇪

🇪🇸 Valencia (2:01:53 - Disembar 2022)
🇬🇧 London (2:01:25 - Abriil 2023)
🇺🇸 Chicago (2:00:35 - Oktoobar 2023)

Cajiib 🤯

Dalka Masar goob lagu dalxiiso ayaa hada lagu toogtay Laba qof Israel 🇮🇱 ah iyo Darawalki waday.Askari Hubeesan oo Masri...
08/10/2023

Dalka Masar goob lagu dalxiiso ayaa hada lagu toogtay Laba qof Israel 🇮🇱 ah iyo Darawalki waday.

Askari Hubeesan oo Masri ah ayaa toogtay sadaxda qof oo ku sugnaa goobta dalxiiska .

Ciidanka Amaanka goobtaasi joogay ayaa gacanta ku dhigay Ninki falkaasi geystay, waxaana la warinaya ninka falkaasi geystay inuu caafimaad ahaan taam yahay. balse waxaa loo sababeynaya dhacdadi shalay ka dhacday Israel🇮🇱.

Sidee u aragta go'aanka ninkaasi qaatay.

Reer man City gacmaha is qabsada hee maxa sugaysaan Finito Finito.
08/10/2023

Reer man City gacmaha is qabsada hee maxa sugaysaan Finito Finito.

CIYAARTA hada ka bilaabatay Garoonka Emarates imise aye ku dhamanaysa ayaad is leedahahy.Aniga Arsenal 2-1 Mancity
08/10/2023

CIYAARTA hada ka bilaabatay Garoonka Emarates imise aye ku dhamanaysa ayaad is leedahahy.

Aniga Arsenal 2-1 Mancity

Adresse

M'sila
252

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Bulxan publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Bulxan:

Vidéos

Partager


Autres Services événementiels à M'sila

Voir Toutes

Tu pourrais aussi aimer