Salman katun

Salman katun Hadii dadka oo dhami ka haystaan aragti xun waxaad isaga difaaci karta shakhsiyadaada wayo shakhsiyadaada ayaa ah mid go'aamin karta shakhsiga tahay.

Magacee utaqaanaa❓Dhaabe RootiBur deebMuufo dhuleed🤣🤣🤣🤣🤣
12/01/2021

Magacee utaqaanaa❓

Dhaabe
Rooti
Bur deeb
Muufo dhuleed
🤣🤣🤣🤣🤣

07/01/2021

ALLAHU AKBAR.😭

Nolosha aduunyo sidaan😭😭

Maxaan ka baranay colaadi ka aloosnayd ethiopia iyo TPLF.? Horaantii bishii aan so dhafnay ee november 2020  ayay ahayd ...
06/01/2021

Maxaan ka baranay colaadi ka aloosnayd ethiopia iyo TPLF.?

Horaantii bishii aan so dhafnay ee november 2020 ayay ahayd marki dawladda ethiopia ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dareen " saraynta sharciga iyo kala dambaynta". Labada aqal ee dalka ayaa ku ansixiyay cod aqlabiyad ah in gobolka ismaamulka tigreyga laguso celiyo sharciga iyo kala damaynta.

Taas oo kentay dowladda federaalku inay guluf ciidan ku qaaden gobolka tikreyga, xisbiga TPLF.

Maxaa sababay khilaafka.?

• Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

• Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

• TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Sidoo kale Waxay Dr Abiy Axmed ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu "ku sameysan lahaa dowlad sal adag".

• Mudo bil ah oo howl galku socday waxaa ugu damayn guulaystay gulufkii ciidanka dowlada federaalka ethiopia ka wadeen gobolka tigreyga iyo kooxda TPLF.

Ugu damayntiina waxay dowladu lawaregtay gacan ku haynta gobolka tigreyga. Madaxdii xisbiga tplf na ay buuraha galeen

Hadaba Maxaan ka baranay colaadi ka aloosanayd ethiopia iyo TPLF.?

Waxa ugu wayn ee aan ka baran karo colaadi ethiopia iyo tplf waxan oron karnaa saraynta sharcigu mar walba inu yahay mid aan laga talaab san karin sharcigana waxaa lo samayay "kala damayn" dowladda dhexena tahay ilaaliyaha sharciga ama dastuurka umadi ku heshiiso.

1. Dowladda dhexe inay tahay ilaaliyaha ugu wayn ee sharciga iyo kala damaynta dalka.

2. Dowladda dhexe awood uleedahay gobolkasta kuso celin karto saraynta sharciga iyo kaladamaynta.

-Makula tahay Raisul wasaare abiy ahmad inuu u furay wado hogaamiyayaasha africa.?

W/Q Salman katun

Alhamdullilaah.
06/01/2021

Alhamdullilaah.

the district of peace, the home of the somali traditional rulers, the district of the districts of Armo.Degmada Nabada.
06/08/2020

the district of peace, the home of the somali traditional rulers, the district of the districts of Armo.

Degmada Nabada.

-- Eid Mubarak! May Allah grant all your wishes and accept your sacrifice. May he fulfill all your desires in life. I wi...
31/07/2020

-- Eid Mubarak! May Allah grant all your wishes and accept your sacrifice. May he fulfill all your desires in life. I wish happiness for you and your family today and always.

🌙

86 sano kadib waxaa maanta markii ugu horaysay salaad jamaaca ah lagu oogi doona masaajidka taarikhiga ah ee Ayasofya ee...
24/07/2020

86 sano kadib waxaa maanta markii ugu horaysay salaad jamaaca ah lagu oogi doona masaajidka taarikhiga ah ee Ayasofya ee magaalda stanbul ee dalka turkia ku yaal kaaso ahaan jiray matxaf.

Waxaana maanta xariga lagaga jari doona salaada jimce.

Dadaal dheer u ku bixiyay madaxwayne Erdogan in dib loo furo Ayasofya waxaa ad ugu farxay shacabka turkia iyo dhamaan muslimiinta.

Fariimihii shacabka turkigu uga jawabeen...

Iftiiminta Islaamka, Kibirka turkiga waa !
Ku guuleysta sharaftooda, Fatih sharaf,
Macbudyo dhalaalaya oo qurux badan! ...
Jimcahaasi waa Jimcaha.
Hagia Sophia waxay sugaysay dhambaalkan 86 sano ..!
Wanaagsan Jimco wangsan , Umad Maxamed ..!
Masaajidka Sofiya waxaa loo furay cibaadada !!!

Alhamdulillaah.

Caawa oo kale waxay ku beegan tahay habeenki bader qaswatu ( BADAR) oo u dhiganta 17kii Ramadan sanadkii 2aad ee Hijrada...
09/05/2020

Caawa oo kale waxay ku beegan tahay habeenki bader qaswatu ( BADAR) oo u dhiganta 17kii Ramadan sanadkii 2aad ee Hijrada Islaamka dagaalkaasi oo ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Xijaas ee maanta ah dalka Saudi Arabia. Dagaalku wuxuu ka dhex dhacay nabiga iyo saxaabadiisa oo ka yimid magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (NNKH) iyo ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo ay hogaaminayeen madaxdii Qureysheed ee ka soo horjeeday diinta islaamka.

Cali Ibnu abi daalib wuxu yiri " majirin qof naga midi ilaa habeenkaas wuu seexday markii laga reebo rasuulka scw "

Maseexan nabigu habeenkaas geed hoostiis bu tagay wuu tukanayay ilahay buu baryay ilaa waagu ka beryay.

Nabiga NNKH habeenkas illahay ayuu baryaayay isagoo leh " ilahow kooxda yar hadii la halaago dunida dib dame laguugu caabudi maayo ".

30/04/2020
MUHIIMADA WAX AKHRISKA Dadka Reer Belgium Ayaa Yiraahda ” Reading increases the level of personal understandings”, Oo Ay...
20/03/2020

MUHIIMADA WAX AKHRISKA
Dadka Reer Belgium Ayaa Yiraahda ” Reading increases the level of personal understandings”, Oo Ay Uga Jeedaan Wax Akrhrisku Wuxuu Kordhiyaa Heerka Fahanka Shakhsiga. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Ka Hadkeysa Faa'iidada Wax Aqriska Uu Leeyahay.)

Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara.

Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo. Haweeney la yiraahdo Angel Carter ayaa tiri” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro. Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga. Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.

Ilaahay”swc” markii uu Nebi Maxamed”scw” faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA, Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yiri” Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”. Qoraalkii ugu khayrka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxaana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle. Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.

Wax akhrisku waa hab-dhaqan wanaagsan oo wakhti lagu lumiyo, waxaana lagaga dhuuntaa balwadaha, makhaayad iska fadhiga iyo meeraysiga bilaa macnaha ah. Markaa uu qofku bilaabayo inuu wax akhriska dhaqan ka dhigto, marka h**e way ku adkaanaysaa, balse waa inuu naftiisa baro samirka iyo dul-qaadka uu wax akhrisku u baahan yahay. Sidaa darted ayey reer Filibiin ku maahmaahaan” Reading is the best of wasting time”, oo micnaheedu tahay wax akhrisku waa shaygu ugu fiican ee wakhti lagu lumin karo. Maahmaahdaasina waxa aan ka faa’idaynaa in wakhtiga firaaqada lagu lumiyo wax akhriska.

Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa waa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay. Aqoonta inteeda badani waxa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan. Markaa inta suurtagal ah qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxa ay yiraahdaan” A book holds a house of gold”, oo ay uga jeedaan Buugu wuxuu sidaa guri dahab ah.

Dowladnimadu waa shalay iyo maanta NabadiyoNolol
29/11/2019

Dowladnimadu waa shalay iyo maanta

NabadiyoNolol

Masaajidka ugu weyn ee Yurub, laguna magacaabo (pride of Muslims)  "Sharafta Muslimiinta", ayaa maanta laga furay   Jimc...
24/08/2019

Masaajidka ugu weyn ee Yurub, laguna magacaabo (pride of Muslims) "Sharafta Muslimiinta", ayaa maanta laga furay Jimcihii iyada oo loo marayo taageerada Madaxweynaha Ramzan Kadyrov.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَWaa Habeen Naxdin leh. Ilaahow u Naxariiso Hodan Naaleeye Oo Qaraxii Kismaayo...
13/07/2019

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Waa Habeen Naxdin leh.

Ilaahow u Naxariiso Hodan Naaleeye Oo Qaraxii Kismaayo ku dhimatay.

Hodan Nalayeh

10/07/2019

" hadii aad Somali tahy oo aad adiguna la baxday magafe waa inaad ogata dowlada somaliyeed inay tahay madaasho, waaka daba imaan doona walaguso qaban doona maalin baana cadalada lagu hor keeni dona "

Sidaasi waxaa yiri madaale pm Hassan Ali Khayre

Halkan  waa warshadii milixda Samayn  jirtay xiligii Gumaystihii talyaaniga  milixda lagu sameyo hurdiyo  Ayaa waxaa  la...
10/07/2019

Halkan waa warshadii milixda Samayn jirtay xiligii Gumaystihii talyaaniga milixda lagu sameyo hurdiyo Ayaa waxaa lagaga rari jiray maraakiib iyadoo la adeegsanayo dhuumahaan Oo milixda qaadaya markabkana u Gayn jiray

Xeebta Degmada Xaafuun Gobolka Karkaar

Maanta waxay ku began tahay malintii la doortay dowladii iftiimisay rajada shacabka  8 February 2017.Dowladeena barakays...
08/02/2019

Maanta waxay ku began tahay malintii la doortay dowladii iftiimisay rajada shacabka 8 February 2017.
Dowladeena barakaysan oo manta laba jirsatay

''Mideeye wa madaxwayneheena madaalena wa raisal wasaaraheena.

 da’yarta iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.• Da’yartu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aa...
09/01/2019

da’yarta iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.

• Da’yartu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah da’yartooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen da’yar dareenka masuuliyadnimo damqayo, Halgankii SYL waa tusaalaha muuqda ee midha dhalka ay da’yarteenii lagu majeerto.

Waa Maxay Doorka Da’yarta ee Siyaasadda?

Tamarta ugu badan ee dalkeena waa da’yar aqoon iyo aragti togan leh , ka qayb qaadashada hogaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadu waa tan keliya ee dhalin karta is bedel quman iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xurriyadeed. Marka loo eego da’yartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is bedelada ku keenay.
In da’yartu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hanaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.
Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale hadii ay ahaan lahayd xaalad dagaal iyo mid nabad galyoba.
Intaas aan soo sheegay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhalinyarada ah uu u dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.
Da’yartu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinaya inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qaybqataan siyaasadda, hadii aan isku dayo inaan wax ka sheego fursadaha ay haystaan waxaan kusoo koobi karaa:

• Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynaysa inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.

• Siyaassaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo ururo kala gadisan, xiligaas ay marayaan awgeed dhalinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen kooxo kooxo iyo isbahaysi.

• Dhalintu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo isbadalka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmigaba, taasina waxay u suurto galinaysaa inuu noqdo qof wacyi leh kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.

• Qabka iyo xamaasadda ku jira dhalinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.

Ugu danbayntii da’yartu waa hogaamiyaha bulshadani hibanayso iyo halyeyga dalkani u baahi qabo, muhiimad xoogan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasada ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummadooda.

Asad Osman Abdullahi wuxu kamid yahay dhalinyarada aqoonta leh ee somaliyeed horumarkana ka smayay dhanka siyasada mar ay ahataba wad helaysa doorkaga dadalkaga si wado.

Address

Mogadishu

Telephone

+252906835555

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Salman katun posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Salman katun:

Videos

Share

Category



You may also like